Kooxda Gurmadka Kala-Qaybsanaanta Qoysaska

Kooxda Gurmadka Kala-Qaybsanaanta Qoysaska waxay ka shaqaynayaan sidii ay u horumarin lahayd siyaasadaha iyo dhaqamada gobolka oo dhan si loo ilaaliyo caruurta waalidkood ama masuuliyadooda la xiro ama la masaafuriyo sababo la xiriira xaalada socdaalka. Gudiga Hawl-wadeenka ah waxaa lagu sameeyay Wareegto Fulineed 25-04 kaas oo u ansixiyay Governor Bob Ferguson Janaayo 27, 2025.  

Hadafka Gudiga hawl-wadeenka waa:

  • Ku taliyaan hagaajinta siyaasadaha iyo dhaqamada gobolka oo dhan
  • Samee oo la wadaag kheyraadka qoysaska halista ugu jira kala-taga
  • La shaqeeyaa ururada bulshada ku salaysan ee la aamini karo 

Kooxda Hawl-wadeenka ah lama wadaagto xogta xoojinta socdaalka dawlada dhexe. Sidoo kale si toos ah ugama jawaabto xaaladaha gaarka ah ee kala-taga qoyska. 

Hadii aad u baahan tahay inaad ka warbixiso dhaqdhaqaaqa socdaalka, fadlan wac Shabakada Ka Hortaga Masaafurinta Washington (Washington Immigrant Solidarity Network, WAISN) 1-844-724-3737 ama booqo www.waisn.org.

Kheyraad Waxtar Leh

Macluumaadkani ma badalayo talo sharci.

Khayraadka Qoysaska

QORSHAHA AMAANKA LAANTA SOCDAALKA

Qorshaha Lataliyaha Sharciga Dhalinyarta iyo Caruurta waxa uu ka caawiyaa qoysaska inay u diyaar garoobaan daryeelka ilmahooda (caruurtooda) hadii ay dhacdo in waalidku aanu awoodin inuu daryeelo iyaga, gaar ahaan hadii waalidka la xidho ama la mastaafuriyo.
Qorshaha Amaanka Laanta Socddaalka

KHAYRAADKA IYO TAAGEEROOYINKA

Hay'adaha soo socda ayaa ula diyaar ah kaalmo qoysaska uu saameeyay xadhiga iyo/ama mastaafuriska laanta socdaalka.

KHAYRAADKA QORSHAYNTA HANTIDA IYO GANACSIGA

Qorshayntan waxay kugu hagaysaa macluumaadka korsadaha oo waxaa kamid ah maamulida xisaabaadka bangiga, kaadhka daynta, kharashaadka, awooda qareen, hantida, kirooyinka, mushaharka aan la bixin, cashuuraadka, iyo wax kale oo badan.
Wax Badan Ka Oggow

TILMAAMAHA OSPI EE QOYSASKA SOO GELEYTIGA AH

Office of the Superintendent of Public Instruction (Xafiiska Maamulka Tilmaamaha Shacabka, OSPI) waxa uu sameeyay shuruucda dhamaan dugsiyada shacabka ee Washington. Waxaad qori kastaa caruurtaada dugsi shacab, waxa ay doonto ha noqoto xaaladooda deganaanshaha dalku e. Hoos waxaa ku yaala tilmaamaha OSPI ee qoysaska iyo dugsiyada ee sheegaya xuquuqda qoyskaaga ee waxbarashada. 
Xuquuqda Ardayda Soo Geleytiga ah ee Dhigashada Dugsiga Shacabka

BARO XUQUUQDAADA

Fahan xuquuqdaada marka ay ku joojiyaan saraakiisha laanta socdaalka federalka iyo sida aad u taageereyso dadka kale marka aad kusoo beeganto hawlgalka ciidanka laanta socdaalka. 

TAAGEEROOYINKA SHARCI

Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan adeegyada sharciga, waxaa kamid ah sida aad ruux loo siiyo gacan ku haynta sharciga ah ee ilmaha(caruurta), fadlan dalbo latalin sharci. Si aad u hesho looyar haysta liisan ama xirfadlaha federalku u ogol yahay ee khabiirka ku ah sharciga laanta socdaalka, la xidhiidh hay'adaha hoose.

SHARCIGA WADISTA SHAQADA WASHINGTON

Sida uu dhigayo Sharciga Sii Shaqaynta Washington, adeegyada shacabka Gobolka Washington, sida guryaynta iyo waxbarashada, waxaa heli kara dhamaan dadka degan iyada oo aan loo eegeynin xaaladooda deganaanshaha.
Guudmarka Sii Shaqaynta Washington ee WAISN

AKHRI AQOONSIGA WA

Ruux kasta oo ku socdaalaya waa inuu iminka isticmaalaa waraaqo aqoonsi sax ah oo DHAB ah. Dadka aan haysan deganaanshaha rasmiga ah waxay u badan tahay inay leeyihiin Enhanced Identification Card (Kaadhka Aqoonsiga La Kordhiyay, EID).
Ikhtiyaarada aqoonsiga Washington

Kheyraadka Iskaashatada/Daryeel Bixiyeyaasha

Su'aalaha Badanaa La Iswaydiiyo

Macluumaadka hoose keliya waa caawimaad guud oo mana aha talo sharci. Qof kasta iyo qoys kasta waa ay ka duwan yihiin. Su’aalo qaarkood waxaa laga yaa baa inay u baahdaan faahfaahin ka badan inta Kooxda Jawaabta Degdegga ahi ay bixin karaan. Xaaladahaas, waxaa wanaagsan in lagala hadlo qareen socdaal ama khabiir kale oo takhasusay sharciga. [Linkiga warqadda wacyigelinta Kooxda Jawaabta Degdegga ah ee Kala Qaybsanaanta Qoyska (Family Separation Rapid Response Team) ee loogu talogalay illaha sharci ee socdaalka]

Qareenka socdaalku sidoo kale wuu sharxi karaa in saraakiisha socdaalku ay raacayaan xeerarka federaalka ama habraacyada deegaanka ee ka jira aaggaaga.

Waxaa lagula talinayaa waalidiinta inay aqoonsadaan daryeel bixiyaha cunugooda(caruurtooda) haddii la xiro ama la tarxiilo. Qareenka Sharciga ee Dhallinyarada iyo Carruurta (Legal Counsel for Youth and Children, LCYC) wuxuu haystaa agabyo dhowr ah oo la heli karo, oo ay ku jiraan Qorshaha Badqabka Soogalootiga (oo lagu heli karo af Ingiriis, Isbaanish, iyo Carabi). Sidoo kale waalidiinta waxaa laga yaabaa inay doonayaan inay dib u eegaan agabyada kale ee sharciga la xariira ama inay kala hadlaan qareen gaar ah waxa dhaci doona haddii ay dhacdo in la tarxiilo. Qareenka Sharciga ee Dhallinyarada iyo Carruurta (LCYC) wuxuu ku siinayaa dhowr agab oo ku jira Qorshihiisa Badqabka Soogalootiga waxayna siisaa tababaro lagu caawinaayo waalidiinta inay qorsheeyaan daryeelka carruurtooda haddii ay dhacdo in la xiro ama la tarxiilo.

Waxaa laga yaabaa inaad daryeesho ilmo uu waalidku kaga tagay daryeelkaaga adoon noqon waalid haysta rukhsada koriinka. Si aad arrintaan ugu diyaargarowdo, waxaad dib u eegis ku samayn kartaa Qorshaha Badqabka Soogalootiga iyo Tababarada, Magacaabista Foomka Qaadida Masuuliyada Joogtada iyo Kuwa ilmaha Yaryar, iyo agabyada kale ee ku saabsan Xuquuqdaada bogga Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawlada (Office of the Attorney General, OAG) ama webseedka LCYC. Waxaan sidoo kale ku talinaynaa ilahaan soo socda:

Xafiiska Kormeeraha Guud ee Waxbarashada Dadweynaha (Office of the Superintendent of Public Instruction, OSPI) ayaa soo saaray tilmaamo la xiriirta ilaalinta la siinayo ardayda soogalootiga ah ee gobolka Washington ku nool. Inta aan sii wadno Hawsha Kooxda, waxaan sii wadeynaa la shaqeynta degmooyinka iyo taageerada waxbarashada ay helaan dhammaan dhallinyarada iyadoon loo eegin heerka socdaalka.

Marka Waaxda Socdaalka iyo Hawlgelinta Kastamada ee Mareykanka (Immigration and Customs Enforcement, ICE) ay xirto waalidka, waxay marka hore ka hubiyaan qoyska si ay u oggaadaan inuu jiro qof qaraabo ah ama saaxiib ah oo daryeeli kara ilmaha. ICE keliya waxay la xiriiraa DCYF haddii:

  • Waalidiintu aysan heli karin qof ammaan ah oo daryeela ilmaha.
  • Ay jiraan walaacyo ku saabsan qofka loo dooranaayo inuu daryeelo ilmaha.

Xaaladahaan marka ay dhacaan, ICE waxay ogaysiin doontaa laanta fulinta sharciga deegaanka, ilmahana waxaa la gelin doonaa meel Masuuliyadiisa lagu qaado kadibna waxaa loo wareejin doonaa DCYF. Haddii ilmo uusan la joogin waalidkiisa marka la tarxiilay oo uu ku jiro daryeelka bulshada ama goob xanaano ah, waxaanu ku tiirsanahay iskaashada bulshada si aan u ogeysiino laanta sharci fulinta ama DCYF.

Waa hadafka DCYF in carruurta la joogaan qoysaskooda. Maadaama DCYF ay ka shaqayneyso sidii ay gacan uga geysan lahayd dib ula mideynta ilmaha waalidkiisa, DCYF waxay ka shaqayn doontaa sidii ay u heli lahayd xubnaha qoyska/dadka qaraabada ah. Haddii hal mid xataa la heli waayo, ilmuhu waxaa la gelin doonaa xanaanada ilmaha lagu koriyo inta uu shaqaalaha kiisku isku dayayo inuu dib ula mideeyo qoyska.

DCYF hadda ma qabato kiisaska carruurta aan cidna la socon.

Haddii ilmo ay soo qabtaan waaxda Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha ee Mareykanka (U.S. Customs and Border Protection), waxaa loo gudbiyaa Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka (U.S. Department of Homeland Security). Markaas kadib:

  • Ilmaha waxaa la geeyaa Xafiiska Dib u-dejinta Qaxootiga (Office of Refugee Resettlement, ORR).
  • ORR waxay raadisaa qof kafaala qaada si uu u daryeelo ilmaha.
  • Ilmaha waxaa lagu xiraa adeegyada iyo nidaamka maxkamada socdaalka.

Haa. Marka ay DCYF hesho awooda meelaynta iyo daryeelka ilmaha, DCYF waxay ka shaqaysaa sidii ay ula midayn lahayd ilmaha waalid ammaan u ah – xataa haddii ay dalka dibadiisa ku nool yihiin.

Ayadoo la joogteenaayo Xeerka Sharci Dhowrista Washington (Keep Washington Working) (Xeerka Dib loo eegay ee Washington (Revised Code of Washington, RCW) 43.17.425), DCYF ma siiso macluumaadka ICE iyada oo aan la helin amar maxkamadeed ama amar garsoore, ama shaacin macluumaad oo saxiixan.

Ilmaha buuxiya qeexidda sharci ee federaalka ee "ilmo aan lala socon" marka ay la kulmaan hay'adaha socdaalka ayaa la marsiyaa habraacyo gaar ah oo uu dhigayo sharciga federaalku, oo ay ku jiraan ku meeleynta Xafiiska Dib-u-dejinta Qaxootiga (Office of Refugee Resettlement, ORR) ilaa looga sii daynaayo xubin qoys ama qof kale oo daryeel bixiye ah. Carruurta aan lala socon oo ay usii dayso ORR xubin qoys ama daryeel bixiye waxay ku noolanayaan bulshada waxayna dhiganayaan iskuul inta arrimahooda socdaalka la xallinayo. Haddii DCYF ay hesho warbixin ku saabsan xadgudub ama dayacaad carruurta noocaas ah ee ku nool Washington, waxa la marsiinayaa isla habraaca DCYF sida ilma kasta oo kale.

DCYF waxay ula dhaqantaa dhammaan carruurta ku jirta daryeelkooda si isku mid ah, iyadoon loo eegin xaaladdooda socdaal. DCYF waxay la shaqaysaa adeeg bixiyeyaasha sida loogu baahdo si loo hubiyo in baahiyaha ilma kasta la daboolo. Haddii waalid uu saameeyo laanta fulinta socdaalka, waxaad wax badan ka baran kartaa habraaca DCYF adigoo akhrinaya Haddii ay dhacdo Kala Qaybsanaan Qoys: Jaantuska Habraaca Meelaynta.

DCYF ma hayso xog gobolka oo dhan ah oo ku saabsan carruurta ay saameeyeen marka waalidkood loo xiro ama loo tarxiilo arrimo socdaal awgood.

DCYF waxa ay siisaa dhammaan carruurta iyo dhallinyarada daryeelka ku jirta taageero iyo adeegyo isku mid ah, iyadoon loo eegin xaaladooda socdaal, si loo hubiyo baahiyaha aasaasiga ah ee ilmaha. Haddii xubin qoys ama daryeel bixiye aanu heli karin dheefaha federaalka ee gaarka ah sababo la xiriira xaaladdooda socdaal, DCYF waxay raadisaa ilo kale ama taageerooyin bulsho taa beddelkeeda.

Haddii ilmaha uu ku jiro daryeelka gobolka, DCYF waa inay hubisaa in ilmaha uu helo adeegyada uu u baahan yahay. DCYF waxay la shaqaysaa ururada bulshada iyo adeeg bixiyeyaasha si qoysaska loogu xiro ilaha iyo taageerada.

Haddii DCYF ay leedahay kiis furan, way ka caawin kartaa raadinta waalidiinta ama aqoonsiga xubin qoys ama bixiye daryeel. Si kastaba ha ahaatee, DCYF uma qabanqaabin karto daryeel ama uma gaari karto go'aan meelayn ah caruurta aan daryeelkooda ku jirin. Waxaan kugula talineynaa inaad booqato Talo Sharci iyo Gudbinta Daryeelka Qaraabada ama inaad wacdo khadka talo siinta sharci ee bilaashka ah oo ka caawiya bixiyeyaasha daryeelka su'aalaha sharciga ah iyo foomamka lambarka (206) 267-7075.

Qorshaha Badbaadada Muhaajiriinta ee La-talin Sharci oo Loogu talagalay Dhallinyarada iyo Carruurta (Legal Counsel for Youth and Children, LCYC) wuxuu sharxayaa sida waalidiintu u siin karaan qof kale oggolaansho uu ilmahooda ku daryeelo muddo gaaban.

Haddii isbeddel joogto ah oo daryeelka ah loo baahan yahay, qoysasku waa inay la hadlaan qareen sharci qoys si ay wax uga ogaadaan xulashooyinkooda sharci. Waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sharciga qoyska halkan Caawimaada Sharci ee Washington (Washington Law Help).

Waxaan kugula talineynaa inaad booqato Talo Sharci iyo Gudbinta Daryeelka Qaraabada ama inaad wacdo khadka talo siinta sharci ee bilaashka ah oo ka caawiya bixiyeyaasha daryeelka su'aalaha sharciga ah iyo foomamka lambarka (206) 267-7075.

Fadlan eeg tilmaamaha ugu dambeeyay ee ka imaada Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud (Attorney General's Office, AGO) si aad u ogaato amarada baarista ee ansaxsan iyo si aad u sheegto kala duwanaanshaha.

Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Gobolka Washington ayaa bixiyay tilmaamo loogu talagalay hay'adaha sharciga maxalliga ah oo ku saabsan Sharciga Ka Yeel Washington Mid Shaqeynaysa (Keep Washington Working).

Haddii aad u maleyneyso in qof uu jabiyey Sharciga Xeerka Ka Yeel Washington Mid Shaqeynaysa (Keep Washington Working), waxaad u soo sheegi kartaa Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Washington adigoo:

  • Iimaylka: civilrights@atg.wa.gov
  • Talefoonka: 1-833-660-4877 (Caawinaada waxaa lagu heli karaa Ingiriis iyo Isbaanish.)

Xubnaha bulshada sidoo kale waxay ka heli karaan caawimaad iyo macluumaad Shabakadda Iskaashiga Muhaajiriinta ee Washington (Washington Immigrant Solidarity Network, WAISN).

DCYF waxay tixgelisaa rabitaanka waalidka marka la go'aaminayo meesha carruurta lagu meelaynaayo daryeelkooda, xitaa haddii ay ku jiraan xabsi ama waddanka dibadiisa. Haddii ilmaha uu ku jiro daryeelka DCYF, hay'addu waxay ka caawin kartaa in ilmaha dib loogu mideeyo waalid ku nool dal kale, haddii sharciyada gobolka iyo federaalka oggol yihiin.

DCYF waxay la wadaagtay tilmaamo bixiyeyaasha daryeelka carruurta ee shatiyeysan sida loo taageero carruurta haddii waalidkooda ama wakiiladooda lakala qaado. OSPI waxay bixisay tilmaamo la mid ah kuwa degmooyinka iskuulka si ay uga caawiyaan sameynta siyaasado maxalli ah.

Xafiiska Kormeereha Waxbarashada Dadweynaha (Office of Superintendent of Public Instruction, OSPI) iyo Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Gobolka Washington waxay la wadaageen iskuulada tilmaamo ku saabsan sida looga jawaabo haddii saraakiisha socdaalka ay lasoo xiriiraan.

Sida laga soo xigtay OSPI, Sharciga Yeel Washington Mid Shaqeynaysa (Keep Washington Working) wuxuu khuseeyaa hay'adaha gobolka iyo kuwa maxalliga ah, oo ay ku jiraan iskuulada dadweynaha, laakiin ma khuseeyo barnaamijyada dugsiga-ka gadaal.

Sharcigu wuxuu sidoo kale Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Gobolka Washington (Attorney General's Office, AGO) faray inuu abuuro tilmaamo lagu caawiyo si ay iskuuladu u sameeyaan siyaasado xaddidaya laanta fulinta socdaalka ee dhismayaasha iskuulka sida ugu macquulsan. AGO iyo OSPI Labaduba waxay kugula talinayaan in dhammaan shaqaalaha iskuulka iyo mutadawiciinta la siiyo tababar ku saabsan siyaasadahan.

Sharcigu wuxuu sidoo kale ku dhiirrigeliyaa ururada aan dowliga ahayn, sida kooxaha gaarka loo leeyahay ee bixiya barnaamijyo ama adeegyo gudaha iskuulka ah, inay raacaan isla siyaasadaha isku qaabka ah.

Warqadda Illaha Qoysaska ay Saameeyeen Arrimaha La Xiriira Socdaalka iyo website-ka Waaxda Caafimaadka ee Gobolka Washington (Washington State Department of Health) labaduba waxay wadaagaan macluumaad ku saabsan taageerada iyo adeegyada la heli karo. Illaheena Loogu talagalay Carruurta iyo Qoysaska ay Saameeyeen Kala-soocidda La Xiriirta Socdaalka sidoo kale wuxuu bixiyaa talooyin iyo khayraad ka caawiya adeeg-bixiyeyaasha inay ku taageeraan caafimaadka dhimirka iyo kan shucuurta ee carruurta iyo dhallinyarada ay saameysay laanta fulinta socdaalka.

Xeerarka federaalka ee ku jira Hagitaanka Waalidiinta ay ICE Xirayso ayaa sharxaya waxa ay tahay in la sameeyo marka saraakiisha socdaalku qabtaan ama tarxiilaan waalid. Tani waxaa laga yaaba inay ku jirto isticmaalka Nidaamka Raadinta Maxaabiista Onleenka ee ICE.

Faahfaahin dheeraad ah waxa laga heli karaa bogga 3 aad ee Warqadda Xogta ICE ee Saamileyda Daryeelka Caruurta & Ilaalinta, oo sharxaysa sida loola xiriiri karo saraakiisha socdaalka ee waalidka ama masu'ulka ilmaha uu ku jiro dacwadaha daryeelka carruurta.

Xarunta Khayraadka Sharci ee Muhaajiriinta (Immigrant Legal Resource Center, ILRC) sidoo kale ay leedahay macluumaad waxtar leh oo ku saabsan siyaasaddan iyo sida loo taageero qoysaska ay saamaysay.

Hagitaanka Waalidiinta ay ICE Xirtay waxay sharxaysaa in shaqaalaha socdaalka ay waalidiinta ama mas’uuliyiinta daryeelka u oggolaadaan inay sameystaan qorshe qof kale oo u daryeela carruurta ka hor intaan la xirin. Qoysaska waa inay la hadlaan qareen socdaal si ay u ogaadaan haddii xeerarkan lagu dabaqayo deegaanka ay ku nool yihiin.