Xaqa aad u leedahay Ku Helitaanka Luuqada
Waxaad xaq u leedahay inaad ku hesho barnaamijyada gobolka, dheefaha, iyo adeegyada luqadaada, si lacag la'aan ah. Waxaad heli kartaa adeegyada turjubaanka oo aad haysato dhukumiintiyo muhiim ah oo lagu turjumay luqadda aad isticmaasho marka aad la xiriirayso Department of Children, Youth, and Families (DCYF), codsanayso faa'iidooyinka ama adeegyada gobolka, ama ka qaybgalka tababarka ama munaasabad.
Helitaanka Adeegyada Luuqada
Si aad ugu hesho adeegyada luuqada, fadlan si toos ah ula shaqayso wakiilkaaga Waaxda Caruurta, Dhalinyarada, iyo Qoysaska (Department of Children, Youth, and Families, DCYF)ama iimayl u dir Helitaanka Luuqada barta dcyf.languageaccess@dcyf.wa.gov.
Kheyraad Kale oo Waxtar leh
Soo Wargalinta Xadgudubka iyo Dayaacada Ilmaha
1-866-363-4276
Si aad usoo wargaliso xadgudubka, dayaca, daryeelka ilmaha ee aan shatiga lahayn iyo walaaca daryeelka ilmaha. Hawl-wadeen ayaa kugu xiri kara turjumaan ku hadla luqadaada.
Constituent Relations
ConstRelations@dcyf.wa.gov | 1-800-723-4831 | 360-902-8060
Constituent Relations waxa ay bixisa hab cadaalad ah oo xushmad leh oo lagu xaliyo cabashooyinka la xidhiidha ilaalinta ilmaha iyo kiisaska daryeelka carruurta, shatiga guriga korinta iyo daryeelka ilmaha, barnaamijyada daryeelka ilmaha, iyo adeegyada dhaqancelinta dhalinyarada.
Khadka Dhexe ee Macluumaadka ee DCYF
1-866-363-4276
DCYF waxay qoysaska u haysaa kheyraad badan. Waxaad ku heli kartaa dhowr ka mid ah adiga oo wacaya khadka macluumaadka ee lacag la'aanta ah. Hawl-wadeen ayaa kugu xiri kara turjumaan ku hadla luqadaada.
Adeegyada waxaa kamid ah:
- Adeegyada wax ka qabashada caruurnimada hore ee caruurta da'doodu tahay 0 ilaa 3.
- Barnaamijyada taageerada, waxbarashada, iyo hogaaminta ee gobolka oo dhan.
- Ka caawinta raadinta daryeel carruureed oo badbaado leh oo la awoodi karo.
- Booqashada guriga, wacyi-gelinta bulshada, iyo taageerada maalgalinta.
- U diritaanada adeegyada bulshada iyo caawimaada deegaanka.
Xarayso Cabashada Takoorka
Fadlan buuxi Foomka Helitaanka Adeega DCYF iyo Foomka Cabashada Xuquuqda Madaniga ah ee Xeerka Dadka Naafada ah ee Maraykanka (Americans with Disabilities Act), Qaybta 504 ee Xeerka Dhaqancelinta (Rehabilitation Act), Title VI ee Xeerka Xuquuqda Madaniga ah (Civil Rights Act), Helitaanka Luuqada, iyo Cabashooyinka Takoorka Heerka la Ilaaliyo.