Xuquuqdaada Helitaanka Adeegyada Luuqadda
Waxaad xaq u leedahay inaad si bilaash ah ugu hesho barnaamijyada, dheefooyinka, iyo adeegyada gobolka luqaddaada. Markaad la xiriirayso Waaxda Dhalinyarada, Qoysaska iyo Carruurta (Department of Children, Youth, and Families, DCYF), waxaad heli kartaa adeegyada turjumaanka afka iyo dukumentiyada oo laguugu turjumo luqadda aad doorato.
Si aad uga hesho caawimaad dhanka adeegyada luqadda, iimayl ugu dir Helitaanka Adeegyada Luuqadda dcyf.languageaccess@dcyf.wa.gov.
Ka Warbixi Xadgudubka ama Dayaca Carruurta
1-866-363-4276
Wac lambarkan taleefoonka si aad uga warbixiso xadgudubka carruurta, dayaca carruurta, daryeelka carruurta ee aan shatiga lahayn, iyo walaacyada la xiriira daryeelka carruurta. Waxaad la xiriiri kartaa turjubaan kaas oo ku hadla luqaddaada.
Xiriirada Dadweynaha
ConstRelations@dcyf.wa.gov | 1-800-723-4831 | 360-902-8060
Xiriirada Dadweynaha wuxuu bixiyaa hanaan caddaalad ah oo xushmad ku dheehan oo lagu xalliyo cabashooyinka la xiriira:
- Kiisaska ilaalinta carruurta iyo daryeelka carruurta
- Shati-siinta guryaha daryeelka korinta iyo daryeelka carruurta
- Barnaamijyada daryeelka carruurta
- Adeegyada dib-u-habaynta dhallinyarada
Khadka Taleefoonka Dhexe ee DCYF
1-866-363-4276
DCYF waxay qoysaska u haysaa agabyo badan. Waxaad qaar ka mid ah agabyadaas ku heli kartaa adigoo wacaya khadka taleefoonka ee bilaashka ah. Waxaad la xiriiri kartaa turjubaan kaas oo ku hadla luqaddaada.
Adeegyada waxaa ka mid ah:
- Adeegyada faragelinta hore ee carruurta da’doodu u dhaxayso 0 ilaa 3 sano.
- Barnaamijyada taageerada, waxbarashada, iyo hoggaaminta ee gobolka oo dhan.
- Caawimaad lagu heli karo daryeel carruur oo ammaan ah oo la awoodi karo.
- Booqashooyin guryaha, wacyigelin bulshada, iyo taageero dhaqaale.
- U gudbinada adeegyada bulshada ee deegaanka iyo caawimaada.
Daryeel Carruur oo Bilaash ah ama Qiimo Jaban
1-844-626-8687
Waxaa laga yaabaa inaad u qalanto daryeel carruur oo bilaash ah ama qiimo jaban adigoo u maraya barnaamijka Kaalmada Daryeelka Carruurta ee gobolka Washington. Haddii aad qabto su’aalo ama aad u baahan tahay caawimaad dhanka codsashada ah, taageero talefoon ahaan ayaa lagu heli karaa luuqado badan.
Gudbi Cabasho Takoorka la Xiriirta
Fadlan buuxi Foomka Cabashada Helitaanka Adeegyada iyo Xuquuqda Madaniga ah ee DCYF si aad uga warbixiso takoorka ku saabsan arrimaha soo socda:
- Xeerka Dadka Maraykanka ah ee Naafada ah
- Qodobka 504 ee Xeerka Dhaqancelinta
- Xeerka Xuquuqda Madaniga ah ee Qodobka VI
- Helitaan la’aanta adeegyada luuqadda
- Kooxda la ilaaliyo