Ma u baahan tahay helitaanka ka caawnta bixinta lacagta daryeelka ilmaha?
Waxa laga yaabaa inaad u qalanto daryeelka ilmaha ee lacag la'aanta ah ama qiimaha jaban ah iyada oo loo marayo barnaamijka Kaalmada Daryeelka Ilmaha ee gobolka Washington. Way heli karaan qoysas ka badan sidii hore — codsiguna waa mid dhakhso ah oo fudud.
Su'aalo ma qabtaa ama ma u baahan tahay caawimaada codsashada? Taageerada waxaa lagu heli karaa talefoon iyada oo leh luuqado badan. Wac 844-626-8687.
Xiriirka
Xarunta Xiriirka Daryeelka Ilmaha ee DCYF
844-626-8687
(Caawimaada waxaa lagu heli karaa luuqado badan)
Is-diiwaangalintu waxay fududahay sida 1–2–3.
Marka hore, eeg hadii aad u qalanto. Marka labaad, codso caawimo. Sadexaad, raadi daryeel bixiye ruqsad haysta. Xasuusnoow, waxaa jira lambar taleefoon oo aad wici karto si laguugu caawiyo luuqado badan: (844) 626-8687.
1 | U Qalan Waxaa laga yaabaa inaad awoodo inaad hesho caawimaada bixinta kharashka daryeelka ilmaha. Waxay qaadanaysaa daqiiqad kaliya in la hubiyo. Eeg haddii aad u qalanto.. |
2 | Codso Ka codso onlaynka ama telefoon. Riix lifaaqa hoose si aad u codsato ama wac 844-626-8687 si aad u hesho caawimaad. Codso kaalmada. |
3 | Hel Daryeel Waxaan ognahay in booska daryeelka ilmaha uu aad u adag yahay in la helo sida ay tahay in la awoodo la bixiyo kharashka. Riix lifaaqa hoose si aad u raadisid daryeel bixiye ruqsad leh oo buuxiya baahiyahaaga. Raadi daryeel bixiye ruqsad haysta. |
Taageerada waxa suurtagaliyay Xeerka Daryeelka iyo Waxbarashada Caruurnimada Hore (Fair Start for Kids Act).
Xeerka Daryeelka iyo Waxbashada Caruurnimada Hore waxa uu ka dhigaa waxbarasho caruurnimada hore oo tayo sare leh, oo ay ku jiraan daryeelka ilmaha, dugsiga barbaarinta, iyo barnaamijyada dhallaanka iyo socod-baradka, kuwo la awoodi karo oo la heli karo qoysaska iyo kuwo sii waaraya daryeel bixiyayaasha.